Allbanaadir.com
NEWS

Askar fududeyn jirtay Tahriibinta dadka Yurub galaya iyo lacag badan oo la qabtay

Qoraal ka soo baxay booliska dalka Giriiga ayaa lagu shaaciyey in la qabtay 5 Askari oo ka tirsan ciidamada Ilaaladda Xuduudaha, kuwaasi oo la rumeysan yahay inay fududeeyeen inay 100 qof oo muhaajiriin ah ay si Sharci darto ku soo galaan dalkaasi, tan iyo dhammaadkii bishii October ee sannadkii hore ee 2022-kii.

Askarta la qabtay waxaa la sheegay inay gacan saar la lahaayeen mukhalasiin ku sugan gudaha dalka Turkiye oo dadka u soo Tahriibiya dalkaasi, waxa ayna askartan fududeyn jireen in dadka galaan Giriiga.

Qoraalka ka soo baxay booliiska dalka Giriiga ayaa lagu sheegay in askarta la qabtay ay ka shaqaynayeen doonyo, si ay ugu soo daabulaan muhaajiriinta ka soo gudba webiga The Evros River  ee u dhexeeya Xuduudka dalalka Giriiga iyo Turkiye.

Intii uu socday hawlgalkaasi oo shalay oo Isniin ahayd ka dhacay degmadda Didymoteicho waxaa shanta askari lagu qabtay lacag dhan 26,000 EURO oo u dhiganta 28,000 oo Dollarka Maraykanka iyo ku dhawaad 60 Telefoonada Gacanta .

Bayaanka ka soo baxay taliska ciiddanka nooliska dalka Giriiga ayaa lagu sheegay in tallaabadaasi la qaaday, kadib, markii ay baaritaan qaadeen waaxda booliska ugu qaabilsan arrimaha gudaha.

 

Related posts

Axmed Madoobe “Dad shacab baa u dhintay xayiraada DF, waana lagula xisaabtamayaa”

Caydiid Ali

Madaxweyne Geelle oo diiday codsi xasaasi ah oo Itoobiya ka yimid

Caydiid Ali

Ciidamada Itoobiya oo toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliska Somaliland & qof shacab ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---