Ciidamada Itoobiya oo toogasho ku dilay askari ka tirsan Booliska Somaliland & qof shacab ah

Ciidanka Itoobiya ayaa dilay Askari ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland iyo qof shacab ah sida ay sheegeyso qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland.

Falkan ayaa ka dhacay deegaanka xadka ku yaala ee Qoolbuulalle oo ka tirsan degmada Sallaxlay.

Labada Marxuum ayaa u dhintay toogasho ay ku sameeyeen Ciidanka Itoobiya ee xadka ku sugan.

Weli lama hayo faahfaahin ku saabsan sida uu falkaas u dhacay iyo sababaha keenay, sidoo kale, ma jiro war ay arrintaas ka soo saareen Booliska Somaliland iyo ciidanka Itoobiya.

 

- Advertisement -