Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Laftagareen oo si weyn loogu soo dhaweeyay Caasimadda KGS (Sawirro)

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw gaaray Magaalada Baraawe ee Caasimadda maamulka Koonfur Galbeed.

Laftagareen iyo masuuliyiinta la socotay ayaa si diiran waxaa garoonka diyaaradaha magaalaa Baraawe ugu soo dhaweeyay masuuliyiin katirsan maamulka Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne Laftagareen ayaa la filayaa in kulamo kula qaato magaalada Baraawe masuuliyiinta magaaladaasi ku sugan, saraakiisha ciidamada  iyo sidoo kale qeybaha bulshada ku dhaqan Baraawe.

Magaalada Baraawe ayaa ah caasimadda rasmiga ah ee maamulka Koonfur Galbeed,hasa ahaatee magaaladan ayaa ah mid uusan ku shaqeyn maamulka Koonfur Galbeed oo caasimad KMG ah ka dhigtay magaalada Baydhabo oo hadda maamulka ku shaqeeyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliyaha ciidamada AMISOM oo gaaray Magaalada Dhuusamareeb (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Feysal Cali Waraabe oo Xassan Shiikh ka dalbaday fulinta arrin la xiriirta Somaliland

Caydiid Ali

Shirka Dowlad goboleedyada intaas ka badan ayaa looga fadhiyey (Maxaa Isbedelay)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---