Xaalad adag oo mar kale soo wajahday buundada degmada Buulo Burde (Sawirro)

Qoysas fara badan ayaa lagu soo warramayaa inay ka barakaceen dhawr xaafadood oo ka tirsan magaalada Buulo-Burde ee Gobolka Hiiraan, kaddib markii uu ku fatahay webiga Shabeelle ee magaaladaasi dhexmara.

Buundada webiga dulmarta oo dhamaadkii sanadkii hore ay qarax la beegsadeen kooxda Al-Shabaab, dhaawacna uu gaaray ayay hadda biyaha wabigu ka dul mareen, taasina waxay keentay baqdin ku aadan isticmaalkeeda.

Duqa magaalada Buulo-Burde Sadaam Cabdi Iidow oo ka hadlayey xaaladdihii ugu dambeeyay ee fatahaadda webiga Shabeelle iyo sida uu u saameeyey magaalada.

“Degmada Buulo Burde biyo nuucani oo kale ah 2018-kii ayaa ugu danbeysay, hadda biyuhu waxa ay saameeyeen afar xaafad oo degmada ka tirsan, bundada maanta ayey biyuhu kaso boodeen awal derbiyada ayey garaacayeen iyadoo naafeysneed ayey biyuhu ugu darsameen.”ayuu yiri gudoomiyaha

Bundada oo mar dhexdaas ah qarax lagu burburiyay qaybo kamida ayaa Mr Sadaam waxa uu kawar bixiyay qaraxaasi kaddib isticmaalka bundada.

“Wadada bundada qayb ayaa laga isticmaalayay baaburta waaweyn waa loo diiday oo xamuul ma istcmaalaan, iyadoo laga baqay iney ku qalibmaan maadaama dayactirka la sameeyey uu ahaa mid KMG ah” ayuu yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -