Saudia Arabia oo amar cusub ku soo rogay xujayda sanadkan soo gudaneysa Xajka

Sacuudiga ayaa shuruuc cusub ka soo saaray imaanshaha dalkaas waxayna dadka doonaya inay Xajka gutaan la wadaagtay waxyaabaha mamnuuca ah iyo awaamiir la rabo inay raacaan.

Wasaaradda Xajka iyo Cumrada ayaa sheegtay in xujeyda kaash ahaan u sita lacag ka badan SR60,000 ($16,000) amaba dahab laga doonayo inay dowladda ogeysiiyaan.

“Fadlan ka fogow qaadashada lacag faro badan iyo alaab qaali ah marka aad u safreyso boqortooyada” ayaa lagu yiri Farriin ay Wasaaraddu soo dhigtay barteeda Twitter-ka.

Xujeyda ayaa laga doonayaa inay buuxiyaan foom, iyagoo caddeynaya inay sitaan, waxyaabo ay ka mid yihiin Lacag ka badan SR60,000, Dahab qiimihiisu ka badan yahay SR60,000, allaab ganacsi oo qiimaheedu ka badan yahay SR3,000, qaadashada allaab mamnuuc ah, Inuu qofku sito baco ama alaab ka badan miisaanka la oggol yahay.

Wasaaradda ayaa sheegtay in ciddii u hoggaansami weyso amarkan laga qaadi doono tallaabo sharci ah.

Sacuudiga ayaa Sanad walba taariikh iyo waqti go’an u qabata xilliga la tagayo Makah inta Xajka lagu guda jiro, albaabbada magaalada ayaa la xiraa waxaana keliya loo oggolaadaa dadka heysta kaarka aqoonsiga xaajiga iyo dadka u cumreysanaya, si looga fogaado isbuurashada loona hubiyo badqabka dadka gudanaya Xajka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -