Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaale oo arrimo xasaasi ah kala hadlay Madaxda degmooyinka Muqdisho

Guddoomiyaha  Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay Shirka Degmooyinka iyo Degaanada Gobolka Banaadir.

Waxaa loogu hadlay dar-dargelinta Howlaha Degmooyinka iyo Qorshayaasha hortabinta u leh Maamulka Gobolka Banaadir sanadka nagu soo fooda leh ee 2024.

Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa ka warbixiyay isbedalka Amni ee ka jira G/Banaadir, isagoo Madaxda Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada kula dar-daarmay xoojinta Amniga Caasimadda, la dagaalanka maandooriyaha iyo in la isku xero bulshada iyo laamaha Amniga si loogu hortago wax weliba oo liddi ku ah Amniga.

Ugu danbeyn Duqa Magaalada Muqdisho ayaa faray Maamulada Degmooyinka iyo Deegaanada Gobolka Banaadir in si wadajir ah loogu shaqeeyo Nadaafada iyo Bilicda Caasimadda, isla markaana la iskula xisaabtami  doonno gaabis weliba oo ku yimaada adeegyada loo haayo bulsho Caasimadda.

Related posts

Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotelka SYL oo la sheegay in shirko lagu ahaa !!

Cabdi Cade

Dowlada oo Fariin muhiim ah u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed ee hantida badan ku heesata …

Cabdi Cade

QM oo ceyrineysa shaqaale badan & Sababta ka dambeysa

Caydiid Ali
Taboola Ads ---