Farmaajo oo ka hadlay doorashada qof iyo cod ee ka dhaceysa Puntland

Madaxweynihii hore ee Somalia Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa bogaadiyey soona dhoweeyey doorashooyinka goleyaasha degaanka Puntland oo lagu wado iney dhacaan 25-ka bishan May oo hal maalin ay inaga xigto.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA FARMAAJO

Bismillaahi Al-raxmaani Al-raxiim

Ugu horreyn waxaan reer Puntland, bulsho iyo maamulba, ku bogaadinayaa sida ay ugu istaageen hirgelinta doorashada Goleyaasha Deegaanka ee dadku ay codkooda ku dooranayaan hoggaanka deegaannadooda.

Hannaankan doorashada tooska ah in ay ka hirgasho Puntland waxay tusaale u tahay sida shacabka Soomaaliyeed ay ugu hamuum-qabaan in ay hoggaankooda ku soo doortaan codkooda, arrinkaas oo aan horey dadaal ugu bixinnay, lana jecel nahay in ay gaaraan dhammaan deegaannada dalkeenna, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Alle waxaan uga baryayaa guud ahaan dadkeenna Soomaaliyeed iyo dalkeennaba in uu siiyo barwaaqo, horumar, nabad iyo nolol wanaagsan.

Wa Billaahi Al-Towfiiq

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -