Ciidamo huwan ah oo Weerar ku qaaday dhul howd ah ay ku sugnaayeen Al Shabaab

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliya oo garab iyo gaashaan ka helaya kuwa daraawiishta Galmudug iyo ciidanka deegaanka, ayaa howlgalo ballaaran wali kawada deegaanno kuyaalla gobolka Mudug.

Sida aan wararka ku heleyno ciidanka huwanta ah ayaa saakay weerar dhowr jiho ah ku qaaday dhul howd ah oo kuyaalla deegaanka Shabeelow iyo tuulooyin ku dhaw dhaw oo katirsan gobolka Mudug.

Al Shabaab ayaa la sheegay in ay isugu tageen dhul howd ah oo ay gabaad ka dhiganayaan, kaddib markii dhawwaan laga saaray deegaanno ay kamid yihiin Bacaadweyn, Camaara iyo Qeycad.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa sheegay in howlgal sifeyn ah uu ka socdo aagga deegaanka Shabeelow, waxa uuna xusay in Shabaabka halkaasi ku jira ay is-dhiibi doonaan ama la leyn doono.

”Shabeeloow iyo Aaggiisa oo ah hawdka ay gabbaadka ka raadinayaan haraadiga Khawaarijta Koofurta Mudug waxaa ka socda hawlgalka Sifaynta Khawaarijta ee 4-S iyo Geesiyaasha Qaranka, ama weey is dhiibi ama way dhamaan IA’ ayuu yiri Al Cadaala.

Howlgalka ciidanka huwanta ah ka wadaan deegaanno dhaca gobolka Mudug ayaa Al Shabaab lagu gaarsiiyay jab xooggan, waxaana Al Shabaab looga qabsaday howlgalkaadi deegaanno badan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -