Yabooh: “Sanadkan Gudomiyaha G/Banaadir & kuwa degmooyinka waa la soo dooranayaa”

Guddoomiye ku-xigeenka amniga ee gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye oo ka hadlay gebogabada shirka Maayarada Soomaaliyeed ee ay soo qabanqaabisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Federaalka ah ayaa sheegay in gobolka Banaadir hadda ka dib la dooran doono madaxdiisa iyo maamulka degmooyinka.

Maxamed Axmed Diiriye ayaa sheegay iney dhamaatay xiligii la soo magacaabayey gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo kuwa degmooyinka.

“Waxaan u faraxsanahay inaan goobjoog ka ahaado kulanka, waa shir aad iyo aad u qiimo badan, oo loo baahnaa, oo la isku dhaafsaday afkaar iyo khibrado ka tarjumeysa shaqada dowladaha hoose, bixinta adeegga, maamulkooda, dowlada nimada loo gaarsiinl ahaa, federaalka iyo dowladahaasi la isku xiri lahaa” ayuu yiri Maxamed Axmed Diiriye

Mar uu soo qaaday arrimta gobolka Banaadir, guddoomiye Yabooh waxaa uu ka yiri “Ka gobol Banaadir ahaan, waxaan rajeynayaa in sanadkan gudahiisa aan ku tilaabsan doonno isabadal doorasho oo ah guddoomiyeyaasha degoomoyinka iyo Maamulka sare”.

Waxaa uu intaas oo intaa raaciyay  “Gobolka Banaadir iyo caasimaddii ayaad joogtaan, isbadal ayaa ku dhacay, sidii hore waa ay ka qurux iyo amni badanahay, waxaan rajeynayaa in ay ka sii fiicnaato, Madaxweynaha JFS mudane Xasan Shiikh waxaan uga mahadcelinayaa juhdiga u uku bixiyay maamulka iyo xagga madaxda ciidanka”.

Maxamed Axmed Diiriye ma sheegin cida dooraneysa guddoomiyaha cusub ee gobolka kuwa degmooyinka maadaama aysan jirin weli goleyaashii degaanka ee heer gobol iyo heer degmo ee wax dooran lahaa oo iyaga laftooda u baahan in marka hore la soo doorto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -