Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Shiico badan oo lagu laayay magaalada Kabul

Weerar is qarxin ah ayaa lagu qaaday xarun dhaqanka iyo diinta u qaabilsan dadka shiicada oo kutaala magaalada Kabul ee Caasimada Wadanka Afgaanistan.

In la xaqiijiyay weerarkan waxaa lagu dilay 40-ruux halka lagu dhaawacay ku dhawaad 50-qof oo kale, waxaana suurto gal ah in khasaaraha inta hada la ogyahay uu kasii bato.

Xaruntan shiicada laheyd ayaa lagu weeraray labo qarax sida ay sheegtay Wasaarada Amniga Afgaanistan, waxaana qaraxyadan ay ahaayeen kuwa xoogan ay fuliyeen dad waxyaabaha qarxa isku soo xiray.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Afgaanistan ayaa durba dusha saaratay masuuliyada weerarkan lagu laayay dadkan shiicada ah ee ku sugnaa xarun kutaala magaalada Kabul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Xijaar oo ka carrooday Warkiisa oo laga baahin waayay Tv-ga Qaranka tallaabana qaaday

Cabdi Cade

(Sawirro) Dhimashada duqeynta Israel ee Gaza oo kordhay

Caydiid Ali

Siyaasiyiinta ku kacsan Maamulka Puntland oo ku gacan seyray dalab ka yimid Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---