Hal Arin oo fashilinaya Mucaaradka Dowlada Madaxweyne Farmaajo !!

Dowlad walbo oo caalamka ka jirta ayaa leh Mucaarad iyo Muxaafid, Mucaaradka dowladaha leeyihiin ayaa labo u qeyb sama kuwa wax dhisaya iyo kuwa wax dhisan duminaya.

Mucaaradka dowlada Soomaaliya ayaa hada u muuqda mid aan wax dhiseyn balse doonaya in la dumiyo dowlad dhisan, waxaana la isweediinayaa waxa ay ka faa’iidayaan hadii xilka laga tuuro Madaxweynaha lana dumiyo dowlada jirta.

Mucaaradka waxaa laga rabaa mar walbo in ay noqdaan kuwa wax saxa soona bandhiga qaladaadka iyo dhaliisha ay leeyihiin Madaxda , waxaana haboon mucaaradka iyaga oo ka faa’iideesanaya qaladaadka dowlada in ay keenaan talooyin wax lagu sixi karo si logu kalsoonaado.

Dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa xiligan wajaheysa mucaaradad uga imaaneysa Xubno katirsan dowlada gaar ahaan labada Aqal iyo Siyaasiyiin horey dalka xilal kala duwan uga soo qabtay.

Mucaaradka dowalada ayaa laga yaabaa in ay ku fashilmaan in ay cadaadis saaraan Madaxweynaha ama ugu yaraan xilka ka qaadaan, waxaana Mucaaradka fashlinaya hal arin oo ah in badankood ay kasoo jeedaan hal Qabiil.

Sida Muuqata Mucaaradka dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa u badan hal qabiil oo ah Beesha Hawiye gaar ahaan Beesha Habar Gidir, waana mida keeneysa in kooxdan aan loo arag mucaarda balse siyaabo kale loo arko.

Dowladihii ugu dambeeyay ee dalka soo maray ayaa dhamaan lahaa mucaarad balse mucaardakaasi ayaa isugu jiray Soomaali oo dhan, hasa ahatee mucaradakan cusub ee seef la boodka ah ayaa hada u badan hal beel .

Xildhibaanada Mucaaradka ah ee maalin walba ka hadla Warbaahinta ama baraha bulshada qoraalada kusoo qora ayaa u badan kuwa hal beel kasoo jeeda, waxaana la isweediinayaa waxa afhayeen kawada dhiga hal beel oo kaliya , arintan oo dad badan shaki ku abuurtay.

Waxaa sidoo kale mucaaradkan fashilinaya taageerayaashooda oo iyana u badan hal qabiil, waxaan baraha Bulshada maalin walbo lagu arkaa qoraalada iyo Muuqaalada taageerayaasha kooxdan oo u badan kuwa ku beel ah kooxda Mucaaradka.

Dad badan oo Soomaaliyeed oo kunool dalka iyo dibada ayaan la dhacsaneyn habka uu dalka u maamulo Madaxweyne Farmaajo, hasa ahaatee dadkaasi ayaa sidoo kale kasoo horjeeda in Mucaaradku noqdo hal beel oo kaliya.

Mucaaradka dowlada Madaxweyne Farmaajo ayaa qarka u saaran in uu fashilmo ayna kala yaacaan hadii aysan isbadal ku sameyn siyaasada ay wax ku mucaaradayaan ayna meesha ka saaraan in hab qabiil wax ku mucaaradaan ama ku raadiyaan.

Waxyaabaha kale ee Mucaaradkan ku fashilmayaan ayaa ah in aysan heyn dhaliilo badan oo dowlada leedahay balse mar walbo ay hadlaan ku andacooda dhiibistii Muwaadfin C/Kariin Qalbi Dhagax iyo Weerarkii guriga C/raxmaan C/shakuur.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Nairobi-Kenya
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -