Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirro: Munaasabad Weyn oo lagu daah furayo Xarunta laga Maamulayo Hawada Somalia oo hada ka socota Muqdisho

Waxaa xiligan garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka socota munaasabad weyn oo lagu daah furayo Maamulka Hawada Soomaaliya oo mudo 27-sano kadib laga maamuli doono magaalada Muqdisho.

Munaasabada waxaa ku sugan Madax sare oo katirsan Dowlada Federaalka Soomaaliya, Wakiilo ka socda Beesha Caalamka, iyo Marti sharaf kala duwan, waxaana munaasabadan khudbado kala duwan ka jeedinaya Madaxda ka qeyb galeysa.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa la filayaa in maanta si rasmi ah u daah furo xarunta laga maamulayo hawada Soomaaliya oo mudo 27-sano kadib loo soo wareejiyay Muqdisho.

Waxii Warar ah ee kusoo kordha munaasabadan kala soco Wararkaaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo ku sugan buuraha silsiladda Golis oo gadood sameeyay baaqna soo diray

Cabdi Cade

(Sawirro) Hooyo Umul ah & ilmaheedii oo ku dhintay duqeyn Ruushku u geystay Isbitaal

Caydiid Ali

Dowlada Somalia oo War cusub ka soo saartay cudurka Coronavirus (Akhriso)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---