Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Golaha Musharixiinta oo aqbalay qorshe cusub oo xal loogu raadinayo Khilaafka doorashada

Golaha Musharixiinta u taagan doorashada Madaxweynaha ayaa maanta kulan la yeeshay madaxda ururada bulshada rayidka oo ay ka wada hadleen arrimaha doorshada iyo ismari-waaga ka taagan.

Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Shariif Sheikh Ahmed ayaa kulanka ka dib sheegay in hogaanka ururada bulshada rayidka ay u yimaadeen isla markaana ay soo gaarsiiyeen in xal loo raadiyo xaaladda ka taagan Doorashada, ayna ka codsadeen inay dhex galaan khilaafka, ayna keenaan talo loo mideysan yahay.

Guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Tahliil Shaatax ayaa isna sheegay kulankan uu bilow u yahay dhexdhexaadin ay ka galayaan caqabaha Doorashada ka jira iyo arimaha lagu muransan yahay sida Guddiga Doorashooyinka, ayna la kulmi doonaan madaxda dowladda federaalka si xal iyo heshiis loo dhan yahay looga gaaro doorashada Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamada Israa’iil oo si arxan daro ah u dilay Aabbe, xaaskiisa iyo carruur ay dhaleen

Cabdi Cade

Xildhibaanad Sawirkeeda loo adeegsaday Cunsuriyad iyo caro xoogan oo ka dhalatay !!

Cabdi Cade

Maadxweyne Cali Guudlaawe oo guddoomiyay Shir arrimo dhowr ah looga hadlay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---