Allbanaadir.com
NEWS

Golaha Guurtida Somaliland oo Muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Muuse Biixi

Golaha Guurtida maamulka Somaliland oo saakay shir ku yeeshay xaruntooda magaalada Hargeysa ayaa muddo kordhin labo sano ah u sameeyay Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Muuse Biixi Cabdi.

Kulanka golaha Guurtida oo ajandihiisu ahaa ka doodista muddo kordhinta ayaa ugu dambeyn dood iyo falanqeyn kaddib golaha guurtida waxa ay go’aansadeen in muddo labo sanno ah ugu daraan Madaxweyne Biixi.

Golaha Guurtida ayaa sidoo kale dhankooda sameestay muddo kordhin shan sanno ah, waxaana inta badan golaha Guurtida Somaliland raali ka ahaayeen muddo kordhinta u sameeyeen madaxweynaha iyo midka iyagu sameesteen.

Doorashada madaxweynaha Somaliland ayaa lagu waday in ay dhacdo bisha soo socota, hasa ahaatee muddo kordhintan loo sameeyay Madaxweynaha ayaan la ogeyn sida ay u aqbali doonaan xisbiyadda mucaaradka ee Waddani iyo UCID.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Tacshiirad culus oo caawa laga maqlay agagaarka Qasriga Boqortooyada Sacuudiga

Caydiid Ali

Faahfaahin: Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Suuq ku yaalla Wanle-weyn

Caydiid Ali

Somaliland oo saldhig milatari Mareykanka ka siineysa Berbera si ay …

Cabdi Cade
Taboola Ads ---