Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Xamse Barre oo ka baaqday Madal dadweyne oo su’aalo lagu weydiin lahaa (Sababta)

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa daqiiqadii u dambeysay ka baaqday Madal dadweyne oo galabta lagu waday iney lagu qabto magaalada Muqdisho.

Madashan oo xiise gaar ah laheyd ayuu Xamse Barre kaga warbixin lahaa waxqabadka xukuumadiisa mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay, waxaana sida qorshuhu ahaa madasha lagu weydiin lahaa Xamse Su’aalo ka yimid dadweynaha.

Sababta baaqashada Raisul Wasaaraha ayaa  lagu sheegay arrimo iyo shaqooyin deg deg ah oo soo kordhay.

“Cudurdaar: Shaqooyin Qaran oo Dalka iyo dadka muhiim u ah oo ku soo kordhay Ra’isulwasaaraha Xukuumadda aawgeed waxaa dib loo dhigay Barnaamijka Dood Furan oo galabta aan ku ballansaneyn” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo la soo dhigay baraha bulshada ee warbaahinta DF.

“Waqtiga laga dhigi doono Dooda dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonnaa insha Allah . Mahadsanidiin” ayaa sidoo kale lagu sheegay qoraalka.

Dad badan oo isticmaala baraha bulshada ayaa siyaabo kala duwan uga falceliyey baaqashada RW, kuwaasoo qaarkood sheegayey inuu xaq u leeyahay inuu baajiyo kulamada noocan ah haddi ay ku soo kordhaan arrimo culus oo xal deg deg ah u baahan halka kuwo kalena ay RW ku dhaliileen balan xumada isagoo haya xil sare oo dowladeed, iyadoo dadka qaar kale oo ka mid ahna aaminsanayeen in Xamse Barre uu ka baqay in la weydiiyo su’aalo adag oo uusan si fudud uga jawaabi karin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Sawirro) Taliye Xijaar oo la kulmay James Swan & Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub

Caydiid Ali

Musharaxiinta oo Cabsi darteed aan u shaacin doonin magacyada Xubnaha NISA ee ku jira …

Cabdi Cade

Waa sidee Xaalada degmada Wanle-weyn oo shalay dagaalo ay ka dhaceen?

Caydiid Ali
Taboola Ads ---