Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Waa sidee Xaalada degmada Wanle-weyn oo shalay dagaalo ay ka dhaceen?

Waxaa saaka degan xaalada degmada Wanle-weyn ee gobolka Sh/hoose ka dib dagaalo shalay oo dhan ka socday gudaha iyo hareeraha degmadaas.

Dagaalkan ayaa dhexmaray maleeshiyooyin iska soo horjeeda oo isku heystay maamulka Isbaarooyin lacago looga qaado gaadiidka dadweynaha oo duleedka degmadaas yaalla

Ugu yaraan shan qof ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkan, waxaana jira qoysas badan oo degmadaas ka barakacay.

Maleeshiyooyinka dagaalamay ayaa isku hor fadhiya gudaha degmada Wanle-weyn, waxaana weli taagan xiisad colaadeed inkastoo qaar ka mid ah waxgaradka iyo masuuliyiinta degmadaas ay wadaan dedaalo lagu qaboojinayo xiisada.

  Halkan ka Daawo wararka Allbanaadir Online oo Muuqaal ah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Taliye Xijaar oo qarka u saaran xil ka qaadis kadib talaabo caro dhalisay uu qaaday !

Cabdi Cade

Calankii iyo magacii degaanka Soomaalida Itoobiya oo la bedelayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Xaashi Cumar oo 19-Sanno u xirnaa Talyaaniga oo maanta lagu dilay Muqdisho (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---