Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Somaliland oo dhulkeeda ka Mamnuucday BBC-da & sababta ka dambeysa

Wasiirka Warfaafinta Somaliland Saleebaan Cali Koorre ayaa shaaciyey in laanta afka Soomaaliga ee Idaacadda BBC laga Mamnuucay iney ka howlgasho degaanada Somaliland.

Wasiirka ayaa go’aankaas ku sababeeyay in BBC-du ay hoos u dhigtay sharaftii iyo karaamadii Somaliland, isagoo aan si cad u sheegin sababta rasmiga ah ee arrintaas keentay.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa xaqiijiyay in sababta ugu weyn ee BBC looga mamnuucey Somaliland ay tahay, kadib markii ay idaacaddu joojisay xafladdii sannad-guurada 65-aad oo Hargeysa lagu qaban lahaa, taasoo loo ballan-sanaa 18kii bishan July.

BBC ayaa shaqaalaheeddii Hargeysa u yimid in ay Munaasibaddaas ka soo warramaan ku amartay inay Nairobi ku laabtaan isla markaana ay xafladdii sannad-guurada u baajiyeen sababo la xiriira dhanka amniga.

Related posts

Maxay ka wada hadleen Wasiir Goodax & dhigiisa Hamed Al-Azemi? (Sawirro)

Caydiid Ali

Dowladda Soomaaliya oo gaashaanka u daruurtay eedaha ah in amnigii uu faraha ka baxay

admin

Maamulka Koonfur Galbeed oo ka hadlay Ciidamo maanta dowlada Federaalka geysay Baydhabo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---