Maxamed Cabdi Suubiye (Toosow) oo howlgal qorsheysan lagu dilay

Ciidamo gaar ah oo ka tirsan Xoogga Dalka ayaa xalay degaanka Daaru-salaam oo hoos taga Degmada Aadan-yabaal ee  Gobolka Shabeellaha Dhexe ku dilay Maxamed Cabdi Suubiye (Toosow). oo ahaa Sarkaal sare oo ka tirsan Kooxda Al-shabaab sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo lagu dilay sarkaalkan cutub ciidanka ka tirsan uu ka fuliyay aagga Aadan Yabaal isla markaana laga gaaray hadafkii laga lahaa.

Maxamed Cabdi Suubiye (Toosow) ayuu sheegay inuu ka mid ahaa saraakiisha sare sare ee kooxda Al-Shabaab uga qaabilsan gobolka Sh/dhexe.

“Horjoogahan muddo dheer ayey ciidamadu ku raad joogeen, wuxuu dhibaatooyin badan u geystay shacabka gobolka, ILAAHAY mahadiis maanta ayaa la soo afjaray dhagartii uu mudada dheer ka shaqeynayey” ayuu yiri Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Jen. Odowaa Yuusuf Raage.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -