Allbanaadir.com
NEWS

Sirdoonka Ruushka oo fashiliyey qorsheyaal halis ah

Hay’adda adeegga sirdoonka Ruushka ee FSB, oo ah hay’adda beddeshay KGB, ayaa maanta soo bandhigtay dhowr howlgal oo ay qorsheysay hay’adda sirdoonka Ukraine oo ay fashiliyeen.

FSB waxay sheegtay in laga hortagay iskuday lagu qarxin rabay markabka diyaaradaha xambeera ee Kuznetsov, oo ka mid ah maraakiibta dagaal ee ugu muhiimsan ciidanka badda iyo cirka ee Ruushka.

Saddex sarkaal oo sare oo ka tirsan ciidanka Ruushka ayaa la qorsheeyay iyagoo ku sugan Moscow in la dilo, sida ku cad warbixinta FSB.

Sirdoonka Ruushka, waxaa kaloo ka hortageen iskuday duuliye Ruushka ku doonayay in mid ka mid ah diyaaradaha bambooyinka istiraatijiga ah xambaaraha ee  Ruushka , Tu-22M3 uu ku dejiyo dhulka Ukraine, isagoo ka heystay sirdoonka Ukraine ballanqaad lacageed iyo in la siin doono baasaboor Talyaani ah.

Adeegga sirdoonka Ruushka, waxay sheegeen howlgalladan oo dhammaan la qorsheeyay toddobaadkan in loo xiray sarkaal sare oo lala xiriirnayo inuu fududeynayay.

Howlgallada ay sheegeen Ruushka inay ka hortageen, waa iskudayadii ugu ballaarnaa ee mid ka mid ah haddii la fulin lahaa dhibaato weyn iyo fashil sirdoonka dusha u saari lahayd Ruushka, iyadoo dhacdooyinkan ay sidoo kale sare u qaadi lahaayeen dagaalka, sababo la xiriira inuu Ruushka iskudayi lahaa si adag inuu uga jawaabo. Ma jirto illaa hadda dhinaca Ukraine , wax falcelin ah oo ay ka bixiyeen howlgallada sirdoonkooda uu qorsheeyay ee laga hortagay.

 

Related posts

Taliyaha Ciidanka AFRICOM oo booqday xerada Milateriga Bali doogle (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax gaari dameer lagu soo xiray oo lagu weeraray ciidan ka tirsan Boliska Kenya

Caydiid Ali

Xildhibaano iyo Wasiir Caawa gaaray xaafada Shiirkole iyo dagaal laga cabsi qabo

Cabdi Cade