Allbanaadir.com
NEWS

Kooxdii RSF oo laga saaray Khartuum & Jen Al-Burhan oo..

Taliyaha ciidamada Sudan, Jen. Cabdi Fattax Al-Burhan ayaa la filayaa inuu ku dhawaaqo inay milatariga la wareegeen gacan ku heynta caasimadda Khartuum

Talaabadan ayaa noqonaysa guushii ugu sarreysay oo milatariga uu ka gaarayo dagaalka muddada labada sanno ah socda, kaddib markii weerarro aan horey loo arag ay ciidanka milatariga Suudaan oo adeegsanaya hub culus iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ku burburiyeen hubka, gaadiidka iyo saldhigyadii ugu muhiimsanaa ee ciidanka RSF ay ku lahaayeen gudaha Khartuum, kuwaasoo xataa loo diiday inay ka baxaan magaalada

Ku dhawaaqista guusha dagaal ayaa dhici karto marka laga soo gabagabeeyo howlgallada ay milatariga ku nadiifinayaan xarunta madaxtooyadda Suudaan ee ku taalla Khartuum iyo saldhigyada ay bartamaha Khartuum ku lahaayeen ciidanka RSF.

Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Turkiga uu soo saaro iyo kuwa ay Iran iyo Shiinaha soo saaraan ayaa dhammaantood ku duulaya hawada Khartuum, si ay u burburiyaan dhaqdhaqaaq kasta oo RSF ay ka sameynayaan Khartuum oo kumannaan askari oo milatariga ka tirsan ay howlgallo ka wadaan.

Related posts

Ciidamo katirsan Ahlu Sunna oo nolosha lagu qabtay iyo Galmudug oo ka hadashay

Cabdi Cade

Xildhibaano Muqdisho kaga dhawaaqay kutlada badbaado Qaran (Sawirro)

Caydiid Ali

Dad bilaabay in saxarada Maroodiga u isticmaalaan daawada cudurka Covid-19 !!

Cabdi Cade
Taboola Ads ---