NISA oo dekedda iyo garoonka Muqdisho ku qabatay saanad ciidan oo ku socotay Al-shabaab (Sawirro)

Ciidanka Nabad sugida Sirdoonka Qaranka ayaa ku guulaystay in ay gacanta ku dhigaan qalab aad u badan oo ay lahayd Al Shabaab, kaas oo ahaa saanad kala duwan oo ay doonayeen in ay u adeegsadaan weerarada ka dhanka ah shacabka Soomaaliyeed.

Sirdoonka Qaranka ayaa sidoo kale soo xir xiray shabakad balaaran oo ka koobnayd toban qof kuwaas oo ahaa kuwii qaabilsanaa kala gudbinta iyo sidoo kale gaadiidkii la doonayay in lagu qaado sanaaddaan Al Shabaab lahayd.

Hawl-galka lagu fashiliyay kooxdan waxa uu ahaa mid aad loo agaasimay oo tixnaa ilaa halkii laga soo iibiyay, halka loo waday, meelaha laga kala gudbinayay iyo cidkasta oo ku lug lahayd.

Wasiir kuxigeenka wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Al Cadaala ayaa hay’adaha amniga si wanaagsan gudaha ugu galeen xayndaabka Al Shabaab isla markaana awood u yeesheen in ay dhex galaan kana gutaan waajibaadkooda.

”Shaki la’aan talaabadaan waxeey badbaadisay Nolosha Dad aad u fara badan, sidoo kale waxeey fashilisay Dhagar sare iyo halis wayn oo ku wajahnayd bulshadeenna, Waxaa kale oo xusid mudan in kuwa ku lugta lahaa fal danbiyeedkaan ay ahaayeen Ganacsato haysatay Shatiyo Sharci ah, balse isku dayay in ay ugu adeegaan Al Shabaab taas oo dhamaanteen nagu waajibinaysa in aan la nimaadno feejignaan dheeri ah.” ayuu yiri Al Cadaala.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -