Xildhibaan rasaas khasaare geesatay ku furay dad banaan bax dhigayay (Daawo Sawirro)

Xildhibaan ka tirsan aqalka odayaasha ee dalka Haiti ayaa rasaas khasaaro geesatay ku furay dad banaan bax ka hor dhigayay afaafka hore ee xarunta Baarlamaanka xili uu doonayay in uu ka boxo.

Jean Marie Ralph Féthière oo katirsan Aqalka odayaasha Haiti ayaa rasaas ku furay dad isugu jiray banaan baxayaal iyo wariyaal ku sugnaa banaanka xarunta Baarlamaanka oo kutaala caasimada Haiti ee Port-au-Prince.

Inta la xaqiijiyay rasaasta uu furay Xildhibaanka waxa uu dhaawac kasoo gaaray Sawir qaade lagu magacaabo Chery Dieu-Nalio u shaqeenayay wakaaladda wararka ee Associated Press, iyo nin kale .

Xildhibaanka rasaasta u furay ayaa sheegay in naftiisa ku difaacayay xabadaha uu riday, waxa uuna xusay in shakhsiyaad hubeesan ay u hanjabeen ayna weerar kusoo qaadeen sida uu warbaahinta u sheegay.

”Waxaan isku dayayay inaan nafteyda difaaco, ka dib markii ay ii hanjabeen shakhsiyaad hubeysan, waxaa weerar igu soo qaaday maleyshiyaad qalalaase waday, sidaas darteed ayaan isku difaacay, in la isdifaaco waa xaq”, ayuu yiri xildhibaanka rasaasta furay.

Dalka Haiti ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka socday banaan bax sabab u ahaa shidaal yari dalkaasi ka jirta, waxaana dadka banaan baxyada dhigayay ku baaqayeen in uu xilka iska casilo madaxweynaha dalkaasi  Jovenel Moïse.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -