Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo sheegatay Masuuliyadda dil Muqdisho loogu geestay Muuse Maxamed Rooble

War kasoo baxay Al Shabaab ayey ku sheegatay masuuliyada dil ka dhacay xaafada Oobasiibka ee degmada Wadajir, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in ay dileen nin katirsanaa ciidamada macawuusleyda ee dagaalka kula jira.

Al Shabaab ayaa sheegtay in dagaalyahanno katirsan kooxdooda toogteen Muuse Maxamed Rooble, waxa ayna ninkan sheegeen in uu kamid ahaa horjoogayaasha macawuusleyda ka dagaalanta qeybo kamid ah gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Warbaahinta Al Shabaab ayaa baahisay in magaalada Muqdisho iyo deegaanno kalaba ka bilaabeen dagaalyahannada madax jabiska in ay beegsadaan raga katirsan macawuusleyda ee dagaalka kula jira Al Shabaab.

Dilkan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa imaanaya, xilli ammaanka caasimadda muddooyinkii dambe uu soo hagaagayay lagana howlgaliyay magaalada ciidamo cusub oo wax ka bedelay ammaanka magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Masuuliyiin katirsanaa maamulka Somaliland oo Musuq maasuq loo xiray

Cabdi Cade

Ciidamada Xoogga dalka oo degaano cusub kala wareegay Al-Shabaab

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo ka hadlay xiisada ka taagan Ruushka Digniina u diray Kooxda Wagner

Cabdi Cade
Taboola Ads ---