Sokor aan fiicneyn oo suuqyo ay Islii kamid tahay laga helay iyo saraakiil shaqada laga joojiyay

Madaxii dalka Kenya u qaabilsanaa la socodka tayada cuntada iyo 26 sarkaal oo kale ayaa shaqada laga joojiyey, kaddib markii in ka badan 1,000 tan oo sokor dhacday ah suuqa lagu sii daayey.

Bayaan uu soo saaray madaxa adeegga bulshada, Felix Koskei ayaa sheegay in 20,000 oo loorar sokor ah oo dalka lasoo geliyey 2018 kii, kuwaas oo waaxda la socodka tayadu diidday in la iibiyo, balse sokortaasi ayaa lagu sii daayay suuqyada Kenya.

Sokorta ayaa magaca la baddelay iyada oo lagu qoray magacyo ay dadku yaqaanaan sida shirkadda Mumias, waxaana xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee isllii dukaamo ku yaalla laga helay in ka badan 1,400 oo loor oo sokortaasi dhacday ah.

Waaxda taya dhowrka ee Kenya ayaa ku sheegtay sokortu in ay ahayd mid aan habooneyn in dadku isticmaalo, waxaana sokortaasi loo diyaariyey in la burburiyo, si aysan uga dhalan caafimada darro..

Habraaca burburinta sokorta ayaa loogu tala galay in ay goob joog ka ahaadaan wakillo ka socda waaxda tayo dhowrka.

Shaqa joojinta ayaa imaanaysa xilli ay dadka reer Kenya la kulmeen sara kicii ugu weynaa ee qiimaha sokorta tan iyo intii ay yaraatay sokorta dalkaasi, waxaana suuqyada ku yaraaday sokorta.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -