Farmaajo oo maanta xariga ka jaray Xarunta laga maamulayo Hawada Somalia (Daawo Sawirada)

Madaxweynaha dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta si rasmi ah xariga uga jaray Xarunta laga maamulayo  Hawada Soomaaliya oo 27-sano kadib Muqdisho loo soo wareejiyay.

Munaasabad balaaran oo xaruntan cusub xariga looga jarayay ayaa maanta ka dhacay Xarunta Hey’adda Duulista iyo saadaasha hawada Soomaaliya oo kutaala Garoonka Aadan Cadde, waxaana munaasabadan ka qeyb galay Madaxweynaha iyo masuuliyiin kala duwan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale kormeer ku sameeyay halka ay yaalaan qalabka loogu tala galay in lagu hago hawada Soomaaliya, waxa uuna Madaxweynaha indhihiisa ku arkay qalab casri ah oo loogu tala galay hagida hawada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa tijaabo ku sameeyay qalabkan lagu hagayo hawada Soomaaliya, waxa uuna Madxaweynaha qalabkan kala hadlay diyaarado hawada Soomaaliya xiligaasi ku jiray.

Soomaaliya ayaa 27-sano kadib ku guuleesatay in ay dib ula soo wareegto maamulida hawadeeda oo horey looga maamuli jiray dalka Kenya, waxa ayna tilaabadan umada Soomaaliyeed iyo dowladaba u tahay guul weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -