Allbanaadir.com
NEWS

Abaanduule Caan ah oo katirsanaa Kumaandooska Soomaaliya oo maanta Dagaal lagu dilay

Dagaal xooggan oo maanta ka dhacay deegaan dhaca inta u dhaxeysa deegaannada Caad iyo Camaara ayaa lagu dilay taliye sare oo katirsanaa ciidanka kumaandooska Soomaaliya , gaar ahaan ciidamada Gorgor.

Abaanduulihii ururka 18,aad ee ciidanka Gorgor Cabdi Maxamed Suulnuuge ayaa u geeriyooday dhaawac halis ah oo maanta kasoo gaaray dagaal xooggan oo dhax maray ciidanka xoogga dalka iyo kooxda Al Shabaab.

Sida aan wararka ku helnay dagaalka maanta ka dhacay koonfurta gobolka Mudug ayaa dhaliyay khasaaro xooggan oo labada dhinac kala gaaray, waxaana adag in si dhab ah loo ogaado khasaaraha uu reebay dagaalkan.

Sargaalkan katirsanaa kumaandooska Gorgor ayaa hormuud u ahaa howlgalka ciidanka xoogga dalka ka wadaan deegaanno katirsan gobolka Mudug , waxa uuna ahaa sargaal geesinnimo lagu sifeeyay oo qeyb weyn ka qaatay dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Siyaasi sheegay in Siyaasadda dalkeenna uu ka lumay qiyamkii iyo akhlaaqdii runta aheyd

Cabdi Cade

Qoysaska dadkii ku dhintay weerarkii xarunta G/Banaadir oo laga farxiyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Mashruuca dhismaha Wado isku xireysa Soomaaliya iyo Jabuuti oo la saxiixay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---