Meydadka 14 caruur ah oo hal goob laga helay & baaritaan xoog leh oo socda (Daawo Sawirro)

Booliiska magaalada Kolkata ee dalka Hindiya ayaa wada baaritaan ka dib markii la helay meydadka 14 caruur ah kuwaasoo ku duubnaa jawaanno bac ka samaysan lagana helay meel uu dhisme ka socday.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in maydadka la helay sabtidii kadib markii shaqaaluhu ay qodeen dhul bannaan oo ku yaal xaafadda Haridevpur.

Sharikad guryaha dhista ayaa dhawaan iibsatay dhulka, sida uu sheegay wargayska Hindustan Times.

Duqa Magaalada Kolkata Sovan Chatterjee ayaa yidhi: ” 14 mayd, oo mid kasta gaar kiis bac loogu duubay, ayaa ku jiray laba boorso”

“Baaritaan ballaaran Ayaa goobta oo idil lagu samayn doonaa, oo ay kamid yihiin meelaha ay biyuhu kujiraan si markaas loo ogaado in maydad kale ay jiraan, waxay u muuqataa in maydadka kiimiko la dhex galiyey.”

Sarkaal booliis ah oo aan magaciisa la sheegin oo ay soo xigatay warbaahinta Hindiya ayaa sheegay in xarun ilmaha la isaga soo rido oo goobta ka dhawayd laga yaabo inay masuul ka ahayd arrintan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -