Taalibaan oo Shaacisay in ay hakisay Halista ISIS ayna xabsi ku gureen xubno badan

Kooxda Taalibaan ayaa gudaha dalka Afganaaistan ka fulisay howlgal qorsheesan ay ku beegsanayeen xubnaha katirsan kooxda Daacish , waxaana howlgalkan lagu xir xiray boqolaal katirsan Daacish iyo taageerayaashooda.

Afhayeenka Taalibaan Zabihullah Mujahid, oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaciyay in xabsiga dhigeen in ka badan 600-oo katirsan dagaalyahanada iyo taageerayaasha kooxda Daacish garabka ka dagaalama Afganistan.

Waxa uu sheegay afhayeenka in la xakameeyay inta badan halistii ka imaan jirtay kooxda Daacish, waxa uuna tilmaamay dadka ay xir xireen in ay ku jiraan tiro haween ah oo xubno ka ahaa kooxda Daacish.

Zabihullah Mujahid, ayaa tilmaamay in kooxda Daacish aysan taageero ku laheyn bulshada Afgaanistan, waxa uuna cadeeyay in ay sii soconayaan howlgalada ka dhanka ah kooxdan uu ku tilmaamay in jiritaankooda bulshada halis ku yihiin.

Kooxda Taalibaan ee la wareegtay talada dalka Afgaanistan ayaa rumeysan in Daacish ay tahay xagjir u ololeysa jihaad calami ah, halka ayaga aaminsan yihiin in qarankooda u halgamayaan.

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta dalka Afganistan ayaa fulisay weeraro badan oo dhiig ku daatay oo qaarkood lagu qaaday masaajid ay leeyihiin shiicada, waxaana Taalibaan u aragtaa jiritaankooda in halis ku yihiin kooxda Daacish.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -