Maraykanka oo ciidamadiisa kala baxaya dalal ay Afrika ka joogaan (Somalia ma ku jirtaa?)

Wasaaradda Gaashaandhigga Maraykanka ee Pentagon ayaa qorsheyneysa in ciidamada kamandosta ee Maraykanka ay kala soo baxdo dalka Niger, isla markaana ay soo xirto badi xeryaha ay deggan yihiin ciidamada argagixiso la dirirka ee qaaradda Afrika, sida laga soo xigtay wargeyska The New York Times.

Saraakiil wasaaradda ka tirsan ayaa wargeyska u sheegay in xeryaha militariga Maraykanka ee ku yaalla dalalka Camaroon, Kenya, Libya, iyo Tunisia, iyagana la soo xiri doono, haddii Xoghayaha Gaashaandhigga, Jim Mattis uu qorshahan ansixiyo.

Hase yeeshee, militariga Maraykana ayaa si weyn u sii joogi doona dalalka Nigeria iyo Somalia.

Sida wargeysku qoray, talaabadani waxay qeyb ka tahay istaraatiijiyad uu Maraykanku culeyska ku saarayo dagaalka baaxadda weyn leh, halkii uu kooxo mintidiin ah uu dagaal kula jiri lahaa. Talaabadan ayaa sidoo kale timid, ka dib markii afar askari oo ku sugnaa dalka Niger la dilay, kuwaasoo wasaaraddu ay qiratay in gaabis dhinaceeda ka yimid ay ku dhinteen.

Maraykanka ayaa waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo gaaraya 500 moo askari kuwaasoo tababaro iyo la talin siiya ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee la dagaalamaya kooxda al-shabaab, mararka qaarkoodna ciidamada maraykanka si toos ah ayey uga qeyb qaataan howlgalada al-shabaab lagu baacsado.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -