Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Tirinta codadka doorashada Turkiga oo gebagebo ku dhow & Warar sheegaya in..

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee AP. Waxaa haatan meel geba-gebo ah maraysa tirinta codadka doorashada madaxtinimada ee dalka Turkiga, hase ahaatee natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ayaa muujinaysa inaanay afarta musharax ee doorashadan ka qayb galay aanu midkoodna haysan codad ku filan oo uu ku noqon karo madaxweyne.

In ka badan 64 milyan oo qof oo ka mida 85 milyan ee uu ka kooban yahay shacabka dalkaasi ayaa isu diiwaangeliyey inay codeeyaan doorashadii madaxtinimada ee ka dhacday dalka Turkiga Axaddii. 89% oo ka mida dadka is-diiwaangeliyey ayaa codeeyey.

Iyada oo haatan la tiriyey 97.23% oo ka mida codadka la dhiibtay, ayaa natiijada hordhaca ah ee aan rasmiga ahayni waxay muujinaysaa in madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, uu haysto 49.36%, halka musharaxa ay sida weyn ugu loollamayaan doorashadan ee Kemal Kilicdaroglu uu haysto 44.96% oo ka mida codadka la tiriyey.

Natiijadan hordhaca ah ee aan rasmiga ahayn ayaa muujinaysa inay suurto gal tahay in dalka Turkigu uu markale aado wareeg labaad oo doorasho madaxtinimo ah, maadaama aanay labada musharax ee Erdogan iyo Kilicdaroglu aanu midkoodna helin aqlabiyadda codbixiyayaasha, sida sharciga dalkaasi dhigayo.

Sida kasta oo ay tahayba, natiijadan hordhaca ah ayaa muujinaysa in Erdogan, oo loollan adag kala kulmay musharaxa mucaaradku, inuu doorashada ka sameeyey horumar ka wanaagsan sidii laga filayey.

Guddida qaran ee maamulaya doorashada Turkiga ayaa sheegay inaanay weli ku dhawaaqi karin in dalka Turkigu uu aadayo wareeg labaad oo doorasho ah, maadaama aan weli la dhamaystirin, tirinta sanaadiiqda ay ku codeeyeen muwaadiniinta Turkida ah ee ku nool dalalka debedda, kuwaas oo tiradoodu ay gaadhayso, illaa 3.4 milyan oo muwaadin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo:-Qorshe ka dhan ah Villa Somalia oo socda & Axmed Madoobe oo cadaadis lagu hayo

Caydiid Ali

Meydka Gabar yar oo si arxan daro ah loo dilay oo lagu arkay magaalada Gaalkacyo

Cabdi Cade

Madaxweyne Xasan oo boggaadiyay xildhibaannada labada Aqal baaq cusubna u diray

Cabdi Cade