Allbanaadir.com
NEWS

Masuul katirsanaa maamulka gobolka Banaadir oo maanta Muqdisho lagu dilay

Kooxo biskoolado ku hubeesan oon heebtooda la garan ayaa degmada Dharkeenley ee gobolka Banaadir ku dilay guddoomiyihii dhallinyarada degmadaasi Yuusuf Xuseen.

Sida wararka ku helnay guddoomiyaha ayaa lagu dilay xaafada Kaawo Godey ,xilli uu kasoo baxay masaajid uu kusoo dukaday salaada Jimcaha, waxaana marxuumka toogtay sadden nin oo la sheegay in qeybaha sare ee jirka ka toogteen.

Ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmada Dharkeenley ayaa soo gaaray goobta uu dilku ka dhacay, waxa ayna ciidamada ku guul dareesteen soo qabashada kooxdii dilka fulisay.

Dilkan ka dhacay degmada Dharkeenley ayaa imaanaya xilli maalmihii lasoo dhaafay ammaanka caasimadda Muqdisho soo hagaagayay, waxaana magaalada ku yaraa dilalka qorsheesan iyo qaraxyada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxay ka wada hadleen Ku-simaha Madaxweynaha & danjire David Concar (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Madaxweyne Deni oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Cabdi Cade

Ciro oo kulan xasaasi ah la qaatay odayaasha dhaqanka Awdal

Caydiid Ali
Taboola Ads ---