Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo la kulmay Wakiilo katirsan Beesha Caalamka (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Qasriga cusub ee Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay Wafdi ka socda Beesha Caalamka oo uu hoggaaminayo Ergayga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Ambs. James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha Puntland iyo guud ahaan xaaladda Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa uga mahadcelisay Madaxweyne Deni doorkii ay Puntland ka qaadatay in dalku doorasho u jiheysto, waxayna Wakiilada Beesha caalamka bogaadiyeen dardargelinta doorashada iyadoo la tixgelinayo Kootada Haweenka.

Sidoo kale waxaa kulanka looga hadlay nidaamka dimuqraadiyadda Puntland oo saddexdii Degmo ee ugu horeeyay isu diyaariyaan Doorasho gole deegaan oo qof iyo cod ah, horumarnta dhaqaalaha, La dagaalanka Ayaxa iyo Tallaalka Covid19.

https://youtu.be/qZOQRKFr5Vc

Related posts

Yaa Masuul ka ah in Dekedda Berbera iyo kuwa kale ee dalka si sharci daro ah loola wareego ?

Cabdi Cade

Safaaradii Iran ku laheyd Sacuudiga oo dib loo furay todoba sano ka dib (Sawirro)

Caydiid Ali

Qado Sharaf loo sameeyay Madax badan oo isugu jirta Muxaafid iyo Mucaarad (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---