Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Erdogan iyo Ra’isul Wasaare Kheyre oo kulan Muhiim ah yeeshay

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Kulanka oo ay goob joog ka ahaayeen wasiirro ka kala tirsan labada dowladood ayaa looga hadlay xoojinta xariirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya labada dowladood ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaare Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa sidoo kale kulankooda uga hadlay horumarinta iskaashiga dhaqaale iyo ganacsi ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga si daaha looga rogo fursaado dhaqaale xooggan oo ay ka faa’iideystaan dadka Soomaaliyed.

Mudane Xasan Cali Khayre iyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan ayaa Geneva u jooga ka qayb galka Madasha Qaxootiga adduunka oo looga hadlayo arrimaha qaxootiga gaar ahaan isku dubba ridka wadaaga dhibaatada jirta iyo mas’uuliyadaha, waxbarashada, shaqada iyo waxyaabaha aasaaska u ah nolosha, tamarta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, xalka iyo awoodda difaaca.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlad Carbeed oo dalkeeda ka mamnuucday App-ka Clubhouse iyo Sababta keentay

Cabdi Cade

Madaxweyne Ruto oo siyaasi Soomaali caan ah u Magacaabay Wasiirka Difaaca Kenya

Caydiid Ali

Qoys Iiraani ah oo lacag badan ka dhacay Muwaadin Somali oo daaweyn u joogay Hindiya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---