Allbanaadir.com
NEWS

Daawo Sawirada: Qarax ka dhacay Suuq kuyaala magaalada St Petersburg

Qarax bambaano ayaa xalay xili dambe ka dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaalla magaalada St Petersburg ee dalka Ruushka, waxaana socda baaritaano xoogan oo qaraxaasi ku aadan.

Ina la xaqiijiyay 10-qof oo Suuqaasi ku sugnaa ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana dadka dhaawaca ah qaarkood lasoo sheegayaa in dhaawacyo culus qabaan xaaladoodana ay liidato.

Sargaal katirsan booliiska magaalada St Petersburg ayaa sheegay in Qaraxu ka dhacay goob ay dadka adeeganaya dhigtaan boorsooyinka, waxa uuna sheegay in ay socddaan baaritaano dheeraad ah oo lagu ogaanayo cida qaraxa ka dambeysay.

Baarayaasha Ruushka ee kiiska qaraxan gacanta ku haya ayaa sheegay agabka loo adeegsaday qaraxa uu culayskiisu ahaa 200g, walina lama cadeyn qaraxan cidii ka dambeysay iyo ujeedkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maamulka SSC oo war ka soo saaray dagaalkii Ceerigaabo

Caydiid Ali

Taliyaha booliiska oo ka hadlay Wiil yar oo Muqdisho lagu dilay iyo dad loo xiray dilkaasi

Cabdi Cade

Xog ku Aadan sidii uu u dhacay iyo cida fulisay Qaraxii ka dhacay Gaalkacyo

Cabdi Cade
Taboola Ads ---