Wiil uu dhalay Wasiiru Dowlihii hore ee Madaxtooyada Soomaaliya oo dagaal lagu dilay

Dagaalyahano katirsan Al Shabaab ayaa xalay weerar culus waxa ay ku qaadeen fariisimo ciidanka dowlada Soomaaliya ku lahaayeen degmada Afgooye, waxaana weerarkaasi ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in dagaalka oo ahaa mid xoogan uu socday ku dhawaad hal saac, waxaana labada dhinac ee dagaalamay is dhaafsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya Qaasim Axmed Rooble ayaa Warbaahinta u sheegay in ciidanka dowlada ay fashiliyeen kana hortageen weerar qorsheesan oo Al Shabaab kusoo qaadeen fariisimiyo kuyaala degmada Afgooye.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in weerarkaasi ciidanka dowlada uga dhinteen labo askari sidoo kale uga dhaawacmeen sadex askari oo kale, waxa uuna tilmaamay in dhinaca Al Shabaab dagaalka khasaaro lagu gaarsiiyay.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dadka dagaalka ku dhintay uu ku jiro Cumar Cabduqaadir Macalin Nuur oo ahaa taliyaha Koontaroolka Mukayga Afgooye, waxaana sargaalkan dhalay Wasiiru dowlihii Madaxtooyada ee dhawaan xilka laga qaaday Khaliif Cabduqaadir Macalin Nuur.

Dagaalkii xalay ka dhacay Afgooye ayaa ahaa mid aad u xooganaa oo wal wal iyo walbahaar ku beeray shacabka ku dhaqan Afgooye, waxaana weerarkan uu qeyb ka noqonayaa weerarada qorsheesan ee Al Shabaab ku qaadaan fariisimaha ciidanka dowlada

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -