Xildhibaan Bobi Wine oo mar kale xabsiga la dhigay xili uu doonayay in…

Ciidamada booliiska dalka Uganda ayaa mar kale Xabsiga dhigay Xildhibaan Robert Kyagulanyi oo loo yaqaan Bobi Wine , oo Mucaarad ku ah si weyna u dhaleeceeya Siyaasada Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni.

Xildhibaan Bobi Wine ayaa laga qabtay garoonka diyaarada Enteppe ee magaalada Kampala xili uu doonayay in uu ka dhoofo uuna daaweyn u aado dalka dibadiisa gaar ahaan dalka Mareykanka.

Maxkamad kutaala dalka Uganda ayaa dhawaan damaanad kusii deysay Xildhibaankan oo lagu eedeeyay qaran dumis maalmana xabsi ku jiray, waxaana Xildhibaanka la sheegay in ciidamada booliiska ee horey u xiray u geesteen jirdil iyo garaacis xoogan.

Qareenka Xildhibaan  Bobi Wine ayaa sheegay in ciidamada booliiska ka xireen Xildhibaan Bobi Wine xili uu doonayay in daaweyn dibada u aado, waxa uuna xusay Qareenka in Xildhibaanka si xoog ah loogu ritey gaariga gargaarka degdega oo ay booliiska leeyihiin.

Afhayeen u hadlay booliiska Uganda ayaa sheegay in Xildhibaan Bobi Wine iyo Xildhibaan kale laga xiray garoonka Diyaaradaha Inteppe xili ay doonayeen in ay baxaan, waxa uuna ku eedeeyeen Afhayeenka in Xildhibaanadaasi dalka ka baxsanayeen.

Xildhibaan Bobi Wine oo ah 32 sano jir caan ku ahaa heesaha ayaa durba kasbaday taageerayaal u badan dhalinyaro, waxa uuna Xildhibaanka laf dhuun gashay ku noqday Madaxweynaha Uganda Yuweri Musaveni.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -