Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Taliska NISA oo sheegay iney qabteen rag bastoolado ku hubeysan (Sawirro)

Labo nin oo la sheegay iney ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaasoo doonayay inay dilal ka fuliyaan Magaalada Muqdisho ayaa la qabtay iyaga iyo hubkooda.

Qabashadan raggan ayaa timid ka ka dib markii  Ciidamada Nabad Sugida ay hawlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho.

Saraakiisha NISA ayaa sheegay in xubnahan ay qabteen ay ka tirsanaayeen kooxda Al-shabaab ayna maleegayeen qaraxyo iyo dilal qorsheysan oo lagu waxyeeleynayo shacabka.

“Howgal ay Hay’adaha Amnigu ka fuliyeen banaanka Muqdisho, waxay gacanta ku soo dhigeen laba dhagarqabe iyo hubkooda, iyagoo maleegayey dilal lagu beegsanayo shacabka. Waxaana qayb ka ahaa labo kale oo shaqaale ka ah shirkad ganacsi” ayaa lagu yiri War kasoo baxay NISA.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Wasiirka Amniga oo ka digay Hab dhaqanka qaar kamid ah Masuuliyiinta dowladda

Cabdi Cade

Maayar gaarigiisa laga helay 200kg oo daroogo ah oo Malaayiin dollar lagu qiimeeyay

Cabdi Cade

Dowlad si qarsoodi ah u siisay Ururka Xamaas Diyaarado iyo Qalab kale oo casri ah

Cabdi Cade
Taboola Ads ---