Nin doonayay in uu Dilo Theresa May oo Xukun adag lagu riday (Daawo Sawirada)

Maxkamad kutaala dalka Britain ayaa xukun adag oo xabsi ah waxa ay ku riday nin dhalinyaro ah oo doonayay in uu weerar qorsheesan ku  dilo Ra’isul Wasaaraha dalka Britain Theresa May.

Naa’imur Rahman oo 21 sano jir ah ayaa Maxkamad ku xukuntay Xabsi dheer oo u yartahay 30-sano, kadib markii ninkan lagu helay dambi ah in uu doonayay in uu dilo Ra’isul Wasaaraha Britain.

Ninkan ayaa qorsheenayay in bambaano ku xiro halka laga galo aqalka  Downing Street, waxa uu sidoo kale damacsanaa ninkan in toorey ama qoray ku dilo Ra’isul Wasaare Thresa May.

Naa’imur Rahman ayaa lagu qabtay howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen booliska Metropolitan, MI5 iyo FBI, waxaana ninkan xiliga la qabanayay qof booliis ah oo isaga dhigay xubin ISIS katirsan ka qaaday boorso ay ku jireen walxo loo ekeesiiyay waxyaabaha qarxa oo been ah iyo sidoo kale jaakad iyana lagu soo xiray qaraxyo been ah.

Xaakimka xukunka ku riday Naa’imur Rahman ayaa sheegay in ninkan uu rumeesnaa waxyaabaha loo dhiibay ee qaraxyada loo ekeesiyay in ay yihiin kuwa sax ah uuna doonayay in uu dhibaato xoogan ku geesto.

Wiilkan ayaa la sheegay in baraha bulshada kula xiriiray nin katirsan FBI-da Mareykanka balse isaga dhigay ruux kamid ah dadka kooxda ISIS u qora dhalinyarada kunool qaarada Yurub ee doonaya in kooxdaasi ku biiraan.

Sargaalka katirsan FBI-da Mareykanka ayaa xogta ninkan u gudbiyay Sirdoonka Britain MI5-da gaar ahaan kooxda dhinaca Internetka, waxa ayna kooxdan xiriir la sameeyeen Naa’imur Rahman iyaga oo isaga dhigaya koox katirsan ISIS.

Qareen u doodayay Ninkan dambiga lagu helay ayaa sheegay in uu duufsaday adeerkiis oo xubin ka ahaa kooxda Daacish laguna dilay gudaha Siiriya, waxa uuna sheegay in  Naa’imur Rahman uusan damacsaneyn in dhibaato geesto.

Xaakimka Xukunka ku riday  Naa’imur Rahmaan ayaa  sheegay in ninkan uu xabsiga gudihiisa ku qirtay inuu weerarka qaadi lahaa haddii uu u suurto gali lahaa., waxa uuna xaakimkan ninkan ku tilmaamay in uu ahaa nin khatar badan.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -