Puntland oo digniin ka bixisay qorshe Somaliland ka damacsan tahay Sanaag

Maamulka Puntland ayaa digniin culus ka bixiyey qorshe Somaliland ku dooneyso iney imtixaanka shahaadiga ah ku qabato gobolada Sanaag iyo Heylaan.

Labada gobol ayaa ka mid ah degaanada labada maamul ku muransan yihiin cidii ay hoos tagi laheyd.

“Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland waxay ku wargalinaysaa Dugsiyaddaas Degaandaas Puntland Sanaag iyo haylaan in aysan galin karin Imtixaanka Somaliland” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay maamulka Wasaarada waxbarashada Puntland

Wasaarada ayaa sheegtay in iskuulkii ku yaalla labadaas gobol ee ka qeyb ka qeyb qaata imtixaanka Somaliland lagala laaban doono aqoonsiga

“Dugsigii gala Imtixaanka Somaliland waxay Wasaarada Waxbarashada Puntland kala noqonaysaa aqoonsiga sharciga” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka Wasaarada

Hoos ka dalaco warqada ka soo baxday Xafiiska Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee Dowlada Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -