Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Saddex ka tirsan Saraakiisha Al-shabaab oo howlgal lagu soo qabtay (Magacyada)

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka ee ku sugan Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa sheegay iney gacanta ku dhigay sedax ka tirsan saraakiisha Al-shabaab

Dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ayey ciidanku ku raad-joogeen sedaxdooda kuwaas oo ku dhuumaaleysanayay Deegaanka Hul-caduur sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka DF.

Magacyada ragga lagu qabtay howlgalkan ayaa lagu kala sheegay Shire Cabdi Maxamed, Cali Abgaalow iyo Maxamud Calasow

“Howlgalka oo laga fuliyay Deegaanada Hul-caduur iyo Xalaneey ayaa lagu soo qabtay saddexdan horjooge oo lacago baad ah Khawaariijta uga qaadayay gaadiidka safarka ah in muddo ahna ka tirsanaa kooxdaas” ayuu yiri sarkaal ka tirsanaa ciidanka DF oo warbaahinta la hadlay.

Raggan ayey sheegeen saraakiisha dowladu iney u soo wareejin doonaan magaalada Muqdisho si laamaha amaanka DF ay ugu sameeyaan baaritaano, dacwadana loogu soo oogo si ay cadaalada u wajahaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xog: Xasan Shiikh oo helay taageero dhaqaale & Farmaajo oo ka walaacsan

Caydiid Ali

Maxay yihiin Ciidan Colombian ah oo UAE ka dejisey Boosaaso?

Caydiid Ali

Weerar lala Damacsanaa Safaarada Imaaraadka ee Adis Ababa oo la fashiliyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---