Weerar lala Damacsanaa Safaarada Imaaraadka ee Adis Ababa oo la fashiliyay

Ciidamada Sirdoonka dowlada Itoobiya ayaa fashiliyay weerar la sheegay in koox argagaxiso ah abaabulayeen in ay ku qaadaan Safaarada dowlada Imaaraadka ku leedahay magaalada Adis Ababa.

Wakaaladda wararka ee dalka Itoobiya ayaa shaacisay in Sirdoonka kahor tageen kooxda abaabulaysa weerarka lala damacsanaa safaarada Imaaraadka ayna xireen 15 qof oo weerarkaasi wax ka maleegayay.

Ciidamada sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale la sheegay in ay gacanta ku dhigeen waxyaabaha qarxa ay adeegsan lahaayeen kooxda weerarka abaaushay iyo dukumiintiyo kale ay kooxdaasi heesatay.

Bayaanka kasoo baxay Sirdoonka Itoobiya ayaa sidoo kale lagu sheeagy in Koox labaad oo laga shakisan yahay in  iyana maleegayeen weerar lagu qaado diblomaasiyiinta Imaaraadka Carabta ee ku sugan dalka Sudan.

Sida lagu sheegay Bayaanka sirdoonka Itoobiya oo kaashanaya dhigooda dalka Sudan ay u suuragashay inay burburiyaan shabakad kooxa argagixiso ah isla markaana ay fashiliyeen weeraro lagu qaadi rabay safaarada Imaaraadka ay ku leeyihiin dalka Sudan.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaan wali ka hadlin weeraradan la qorsheeyay in lagu qaado diblumaasiyiintooda ku sugan dalalka Itoobiya iyo Sudan, waxaana hada sare loo qaaday amaanka safaaradaha Imaaradaka ku leedahay dalalkaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -