Dayuuradaha dagaalka Maraykanka oo duqeyn ku laayey 14 ruux oo isku qoys ahaa

Dayuuradaha dagaalka Maraykanka ayaa duqeyn ku laayey afar iyo toban ruux oo isku qoys ahaa, kuwaasoo ay ku jiraan saddex carruur ah.

Duqeynta ayaa ka dhacday degmada Chahar Dara oo ka tirsan gobolka waqooyiga Afghanistan ​ku yaalla ee Kunduz.

Saraakiisha Mareykanka ayaa sheegay iney beegsadeen xarun weyn oo ay leeyihiin dagaalyahanada Taliban.

Isbahaysiga Maraykanku hogaamiyo ayaa markii hore beeniyay in dhibanayaashu ahaayeen dad rayid ah, waxayna sheegeen inay yihiin dagaalyahanno Taliban ka tirsan.

Hay’adaha Xuquuqda aadanaha ayaa si kulul u cambaareeyay duqeyntan ay halka mar ku geeriyoodeen 14-ka ruux ee isku qoyska ahaa.

Saraakiisha Afghanistan iyo kuwa Mareykankana wali kama aysan hadlin khasaaraha soo gaaray rayid ah.

Dayuuradaha Maraykanka ayaa horey duqeymo noocan ah ku laayey boqolaal qof oo shacab ah qaar ka mid ah gobolada Afghanistan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia 
Allbanaadir@live.com 

- Advertisement -