DAAWO TOOS: Munaasabada xuska 1-da Luulyo oo caawa ka socota Muqdisho

Xaflad balaaran oo lagu maamuusayo munaasabada 1-da Luulyo ayaa caawa ka socota xarunta dowlada hoose ee Muqdisho taasoo ay ka qeyb galayaan madaxda sare ee dalka, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, waxaana xafladan ay socon doontaa illaa caawa saqda dhexe.

Qaar ka mid ah wadooyinka waaweyn ee Magaalada Muqdisho gaar ahaan kuwo ku dhow xarunta dowlada hoose ayaa la xiray sababo la xiriira xaflad lagu xusayo midowgii goboladda Waqooyiga iyo Koonfurta Somalia ee 1-da Luulyo.

Ciidamada dowladda oo ku hubeysan gaadiid dagaalka ayaa caawa xiray wadooyinka qaartkood, iyagoo ammaanka adkeynaya.

Xiritaanka Wadooyinka ayaa saameyn adag ku yeeshay socodka, dadka, gaadiidka iyo ganacsiga xili roobab xoogan ay saameeyeen magaalada kuwaasoo socday maanta iyo maalmihii ka horeeyey.

HOOS KA DAAWO TOOS XAFLADA 1DA LUULYO

- Advertisement -