Iran oo xukun dil ah ku fulisay Muwaadin heesta dhalashaa Sweden oo ay kasoo qafaasheen…

Dowladda Iran ayaa saakay oo Sabti ah xukun dil ah ku fulisay muwaadin asal ahaan kasoo jeeda Iran, balse heesta dhalashada dalka Sweden, waxaana ninkan la dilay lagu eedeeyay dambiyo kala duwan .

Qoraal kasoo baxay guddiga Garsoorka ee Jamhuuriyadda Islaamka ee Iran ayaa lagu shaaciyay in saakay xukun dil ah lagu fuliyay Xabiib Jaab oo ahaa siyaasi si weyn uga soo horjeeday maamulka haya talada Iran.

Xabiib Jaab ayaa garsoorka Iran ku eedeeyeen in uu hoggaamiye hore ka ahaa dhaq dhaqaaq Mucaarad oo lagu magacaabo Al-Nidaa, waxaana lagu eedeeyay in fasahaadid ka waday dhulka ,sidoo kale masuul ka ahaa weeraro ka dhacay Gobalka Khorastaani.

Sirdoonka dalka Iran ayaa ninkan saakay xukunka dilka ah lagu fuliyay kasoo qafaashay magaalada Istanbuul bishii October ee sannadkii 2020-kii, waxaana ninkan maxkamadda Iran xukun dil ah ku riday 12-ka bishii Maarso ee sannadkan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -