Weerar khasaaro badan dhaliyay oo lagu qaaday tuulada Indha Kayd iyo xiisad taagan

Kooxo maleeshiyo beeleed hubeesan ayaa xalay weerar dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac waxa ay ku qaadeen tuulada Indha Kayd oo hoostaga deegaanka Huurshe.

Sida aan wararka ku helnay maleeshiyaadka hubeesan ayaa beegsaday qoysas xoolo dhaqato ahaa oo ku dhaqnaa tuuladan, waxaana halkaasi ka geesteen dilal ay kula kaceen dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo dadka deegaanka ayaa ah ku dhintay weerarkan lagu qaaday tuulada hoos tagta deegaanka Huurshe, waxaa sidoo kale jira dad kale oo ku dhaawacmay weerarkan oo xarumo caafimaad loola cararay.

Kooxdii weerarka geesatay ayaa la sheegay in goobta isaga baxsadeen, waxaana xiisad colaadeed saakay ka taagan tahay tuulada weerarka ka dhacay iyo tuulooyin kale oo hoostaga deegaanka Huurshe.

Deegaanka Huurshe iyo tuulooyin hoostaga ayaa marar badan waxaa ka dhacay dilal salka ku hayay aanooyin qabiil oo marar badan laga heshiiyay, waxaana dilkan xalay dhacay mar kale abuuray xiisad kale oo saameeneysa dadka iyo deegaankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -