Kala Shaki xoogan oo soo kala dhax galay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Jeneraal Mascuud  

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmudug ayaa sheegaya in kala shaki xoogan uu soo kala dhax galay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor iyo Jeneraal Mascuud oo katirsan Saraakiisha ciidanka milatariga.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweynaha Galmudug iyo taliya guutada 15aad ee ciidanka xoogga dalka Jeneraal Mascuud Maxamed Warsame ayaa isku fahmi waayay kulamo ay uga arinsanayeen sida looga jawaabayo duulaanka kooxda Ahlu Sunna.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaana wararku sheegayaan in uu ka shakisan yahay Jeneraal Mascuud oo kamid ahaa saraakiishii horey uga soo goosatay Ahlu Sunna , waxa uuna Qoor Qoor tuhmayaa in xiriir hoose ka dhaxeeyo Mascuud iyo hogaanka Ahlu Sunna.

Xogaha aan heleyno ayaa sheegaya in Madaxweynaha Galmudug ku amray Jeneraal Mascuud in qaar badan oo kamid ah gaadiidka dagaalka ee heestaan ciidanka milatariga ka dejiyo kuna wareejiyo ciidanka cusub ee Muqdisho laga qaaday si ay ugu howlgalaan.

Jeneraal Mascuud ayaana ka biyo diiday amarkaas kasoo baxay Madaxweyne Qoor Qoor ee ku aadan in gaadiidka dagaalka ku wareejiyo ciidamada Haramcad iyo kuwa kumaandooska ee Muqdisho laga qaaday si ay u adeegsadaan uguna weeraraan Ahlu Sunna.

Magaalada Dhuusomareeb waxaa wali ka socda dadaalo xal loogu helayo kala shakiga soo kala dhax galay Madaxweyne Qoor Qoor iyo Jen Mascuud, waxaa sidoo kale kulamada looga arinsanayaa sida laga yeelayo duulaanka Ahlu Sunna soo qaaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -