Madaxweyne Farmaajo iyo Rooble oo ammar isku mid ah siiyay Laamaha ammaanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa muuqaalo xalay soo duubeen ugu hambalyeeyay bulshada Soomaaliyeed curashada bisha barakeesan ee Ramadaan.

Farmaajo iyo Rooble ayaa sheegay in sannadkan bisha barakeesan ee Ramadaan kusoo aaday xilli dalka ka jiraan dhibaatooyin badan sida abaaraha , sicir barar iyo dhibaatooyin kale oo bulshada lasoo daristay.

Waxa ay ka codsadeen shacabka Soomaaliyeed ee wax heesta iyo ganacsatada in ay u naxariistaan una gargaaraan walaalahooda abaaraha iyo dhibaatooyinka kale heestaan sida caruurta agoomada iyo dadka kale ee barakacayaasha ah.

Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha ayaana ku amray laama ammaanka Soomaaliya in ay xoojiyaan ammaanka guud ee dalka gaar ahaan ammaanka caasimada inta lagu guda jiro bisha barakeesan ee Ramadaan.

Waxa ayna ugu baaqeen madaxda dowlada shacabka Soomaaliyeed in ay ciidamada ammaanka gacan ku siiyaan kalana shaqeeyaan suggida ammaanka iyo sidii looga hortagi lahaa falalka ammaanka daro ay maleegayaan kooxaha hubeesan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa ka dhacayay falal amaan daro , waxaana inta badan magaalada ka dhaca xilliga lagu guda bisha Ramadaan qaraxyo iyo dilal qorsheesan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -