Wabiga Jubba oo ku fatahay Deegaanka loo Dalxiis tago ee Goobweyn (Sawirro)

Wabiga Jubba ayaa ku fatahay xaafado katirsan deegaanka  loo dalxiis tago ee Goobweyn oo kuyaala duleedka magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubada Hoose , waxaana fatahaadaasi saameyn ku yeelatay dadkii kunoolaa deegaankaasi.

Sida aan Wararka ku heleyno biyaha wabiga ayaa ku fatahay xaafado katirsan deegaanka goobweyn, waxa uuna fatahaada sababay in dadkii kunoolaa xaafadaha biyaha galeen in ay halkaasi isaga barakacaan.

Waxaa jirta cabsi laga qabo in fatahaada sii badato hadii ay roobab kale ka da’aan deegaankaasi, waxaana dadka qaar ay u barakaceen deegaano iyo goobo kale ay uga bad baadayaan fatahaada wabiga.

Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ayaa fatahaado ay sameeyeen saameyn badan ku yeeshay nolosha kumanaan dad ah, waxaana dhibaatada ugu daran ay fatahaada keentay ay ka taagan tahay magaalada baladwweyne uu ku fatahay Wabiga shabeelle.

- Advertisement -