Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidanka DF oo dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab, kuwo kalena nolol ku qabtay

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa sheegay in howlgal balaaran oo ay ka fuliyeen degaanka Aw-diinle oo qiyaastii magaalada Baydhabo u jira 30km ay ku dileen labo ka tirsan Al-Shabaab, labo kalena nolosha ku qabteen, kalana wareegeen hubkii ay wateen

Taliyaha Qeybta 60-aad ee Xoogga dalka Jeneraal Maxamed Sheekh Cabdullaahi Cismaan ayaa sheegay in howlgalka uu ahaa mid qorsheysan ayna fulinayeen guutada 8-aad qeybta 60-aad ee Xoogga dalka, isagoo xusay khasaare  lagu gaarsiiyay kooxihii la dagaalamay.

Jeneraal Maxamed Sheekh ayaa tilmaamay in howlgalka uu qeyb ka yahay howlgallada dalka looga saarayo Al-Shabaab ayna sii wadi doonaan, isagoo dhalinyarada u dagaalameysa kooxdaas ugu baaqay iney ka soo baxaan, hadii ay sidaas yeeli waayaana ay la kulmi doonaan cawaaqib xumo.

Labada dagaalyahan ee nolosha lagu soo qabtay ayuu sheegay iney ku wareejin doonaan maxkamada ciidamada qalabka sida si buu yiri loo mariyo ciqaabta ka dhalatay dembiga ay dalka iyo dadka ka galeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Doorasho Natiijadeeda lasii og yahay oo maanta ka dhacay magaalada Dhuusomareeb

Cabdi Cade

DF oo ka jawaabtay hadal dhowaan ka soo baxay Wasaaradda Kalluumeysiga Puntland

Caydiid Ali

Wasiirrada Gaashaanshigga Soomaaliya iyo Sacuudiga oo Arrin muhiim ah kawada hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---