Allbanaadir.com
NEWS

Ciidankii Ukraine ee galay Ruushka oo la go’doomiyey

Ciidanka Ruushka ayaa gaaray waddada magaalada Pokrovsk ee gobolka Donetsk, taasoo ka dhigan ciidanka Ruushka inay gaareen guul istiraatiji ah oo go’doominysa ciidanka Ukraine ee galay gudaha Ruushka.

Ukraine ayaa dhankeeda sheegtay in dagaalka ugu adag uu goobtaa ka dhacay, wali si rasmi uguma dhawaaqin Ukraine aaggaa istiraatijiga ah in gacantooda laga saaray.

Dhinaca kale. Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelensky ayaa shaqada ka ceyriyay taliyihii ciidamada cirka ee Ukraine, Mykola Oleshchuk, iyadoo tan ay ka dambeysay markii ay burburtay mid ka mid ah diyaaradaha F-16 ee bilowgii bishan ay reer galbeedka soo gaarsiiyeen dalkaas.

Shilkan oo dhacay inta uu socday weerarkii Ruushka ee Isniintii, waxaa sidoo kale ku dhintay duuliyihii ugu khibrada sareeyay ee ciidanka cirka Ukraine.

Shilka ayaa cadaadiska ku kordhiyay  Zelensky, kaasoo dhalin kara reer galbeedka inay dib u eegaan diyaaradahan ay siinayaan, oo qiimaha sare ku fadhiya, halkii xabbo oo ka mid ah diyaaradda F-16 waxay joogta $30 milyan.

Reer Galbeedku waxay ka fogaanayaan fadeexad ay dunidda aragto haddii Ruushka uu joogteeyo soo riditaanka diyaaradan oo ka dhalan karta khibrada aysan u lahayn duuliyayaasha Ukraine.

Dagaalka dhulka ayaa dib ugu soo laabtay Ukraine oo burbur kala kulmaysa istiraatijiyadda ciidanka Ruushka oo ay ka walaacsan yihiin toddobaadyo gudahood inay ku waayaan kumannaan askari, xaaladan darran wuxuu maalin ka hor ku dhawaaqay  Zelensky , inuu hayo qorshe dagaalka lagu soo afjarayo oo aysan ku jiran dhulka Ruushka in gudaha loo galo, isagoo sheegay inuu Mareykanka u soo bandhigi doono.

 

 

 

Related posts

(Sawirro) Qatar oo burburineysa Mid ka mid ah Garoomadii lagu ciyaaray Koobka Aduunka

Caydiid Ali

Masuul katirsan Wasaarada Maaliyada oo mudo isbuuc ah ku xiran Muqdisho 

Cabdi Cade

Mareykanka oo Fariin adag u diray Jabhada TPLF ee qabsatay magaalooyin cusub

Cabdi Cade
Taboola Ads ---